Warar horudhac ah oo kasoo baxaya Shirarka Magaalada Dhuusamareeb

21

Wararka ay Idaacaddamarkabley  ay ka heleyso Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in la soo geba-gabeeyay kulamadii horudhaca u ahaa Wajiga labaad ee shirka Madaxda Sare ee Dowladda & Dowlad Goboleedyada.

Kulamada oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ka socday Dhuusamareeb ayaa waxaa ay ahaayeen kuwo mararka qaar aad u adkaa oo lagu kala kacayay sida arrimaha dhinaca doorashooyinka oo laba mowqif ay kala wateen Madaxweyne Farmaajo & Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Wararka la helayay ayaa waxaa ay sheegayeen intii ay shirarka socdeen in Madaxweyne Farmaajo uu ku adkeysanayay in dalka ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah halka Madaxda Dowlad Goboleedyada ay sheegayeen inaysan macquul aheyn waqtigaan.

Wararkii ugu dambeeyay ee la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in uu jiro xoogaa isku soo dhawansho ah balse aan weli go’aan rasmi ah,sidoo kalena saacadaha soo socda ay siwadajir ah war-murtiyeed u soo saari doonaan.

Dhinacyada wararka horudhaca ah ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in la isku raacay in doorashada waqtigeeda ku dhacdo basle ay dhinacyada ka hehsiiyaan, in Guddi farsamo loo saaro iyo in muddo kooban gudaheed a isugu yimaado Dhuusamareeb