Wasiirka Maaliyadda Itoobiya oo soo gaaray Somaliland

23

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Maaliyadda dalka Itoobiya Axmed Shidde ayaa maanta ka dagey garoonka Diyaaradaha magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland ayaa garoonka kaga hortegay oo ku soo dhaweeyay garoonka.

Wafdiga wasiirka  ayaa sida uu qorshaha yahay waxa uu kulamo la qaadan doonaan Madaxwenaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo masuuliyiin Somaliland iyagoona kawada hadli doona arrimo kala duwan.

Safarkan wasiir Axmed Shidde uu ku tagay magaalada Hargaysa ayaa ku soo aadaya iyadoo ay horay u gaareen magaalada Hargaysa wafdi kale oo ka socda dalka Masa,kuwaas oo horay uu ula kulmay Muuse Biixi iyo madaxda kale ee Somaliland.

Dalalka Masar iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhaxaysa xurguf siyaasadeed kaas oo ka dhashay muarn u dhexeeya  biyo xidheenka webiga Neyl.