Dukaamo ay Soomaali leeyihiin oo lagu boobay Koonfur Afrika

13

Boqolaal Ruux oo banaanbax ka dhigayay Xaafadda Kraaifontein ee Magaalada Cape Town dalkaasi Koonfur Afrika ayaa waxaa ay maanta boob xoogan u geysteen goobo Ganacsi ay Soomaali leeyihiin.

Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa waxaa ay dhowr jeer iksu dhaceen ciidamada Booliska Koonfur Afrika,hayeeshee la xakameyn waayay,waxaana taasi ay sababtay inay Maanta boobaan laba dukaan ay Soomaali leeyihiin.

Ibrahim Mataan oo ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Xaafadda Kraaifontein ee Magaalada Cape Town ayaa sheegay in boobka uu weli socda,sidoo kalena ay barbar socdaan banaanbaxyo rabshado wata.

Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka jiray Qulqulatooyin kusii fidayey deegaano cusub, halka Dowladduna aysan wali wax tallaabo adag ah qaadin.