Natiijada doorashadii Baarlamaanka ee Syria ka dhacday oo lagu dhawaaqay

26

Xisbiga taladda dalka Syria haya ee Al-Bacath ayaa helay kuraasta ugu badan doorashadii baarlamaaniga aheyd ee ka dhacday dalka Syria todobaadkaan.

Gudiga doorashada Syria ayaa sheegay in xisbiga Al-Bacath ee uu hogaamiyo Madaxweyne Bishaar Al-Asad ay heleen ama ku guulaysteen 177 kursi 250,ka kursi ee uu ka koobanyahay baarlamaanka dalkaasi.

Guddigu waxay sheegeen in musharixiintii ka socotay xisbiga talada haya iyo saaxibood ay heleen codadka ugu badan codadkii ay dadka Syria dhiibteen Axadii lasoo dhaafay taasoo aheyd doorashadii ugu horeysay ee Syria ka dhacday muddo 9 sanno ah.

Dawladu waxay sheegtay in dadka Syria ay ka codeeyeen in ka badan 7 kun oo xarumood inkastoo aan laga codeyn meelaha mucaaradku ka taliyo.

Natiijadaan soo baxday waa mid lasii saadaalinayay waxaana doorashadaan ka qeyb galin xisbiyada mucaaradka ah oo horey u sheegay inay ka cabsi qabaan in ku shubasho dhacdo.