Guddomiye Cali Jeyte oo si adag uga hadlay in Dameer sababay shilkii diyaaradda

10

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkii laga faafiyey shilkii diyaaradeed ee ka dhacay garoonka diyaaradaha mahgaalada Beledweyne 14-kii bishan.

Maalmo kadib markii uu dhacay shilkaas warbaahinta Kenya oo soo xiganeysa maamulka shirkadda iska laheyd diyaaradaas ayaa baahisay shirkaas uu sababay Dameer soo galay dhabaha garoonka ee diyaaradu ay ku degi laheyd, taas oo sida ay sheegeen sababtay in duuliyuhu weecdo diyaaradda oo markii dambe dhacday.

Guddoomiye Cali Jayte oo maanta warbaahinta kula hadalay gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne ayaa carabka ku adkeeyey in marnaba aysan suurta-gal aheyn in xoolo ay soo galaan garoonka, isla markaana ay been-abuur tahay in Dameer soo galay garoonka uu sababay shirka diyaaradaas.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in garoonka uu ku wareegsanyahay Silig, isla markaana aad loo ilaaliyo, taasi oo sida uu sheegay aan saamaxeyn in xoolo soo galaan.

“Waa waxba kama jiraan in shilka uu sababay Dameer. Meel uu kasoo galay ama uu uga baxay ma jirto, sababtoo ah Silig ayaa kuwada wareegsan” ayuu yiri guddoomiye Cali Jeyte.

Isaga oo sii hadlayey ayuu yiri, “Duuliyaha oo cilad ay haleeshay markii uu ku dhacay carro tuur ayaa sababay shilka. Carrada waxaa loo dhigay habeenkii baa roob ku da’ay garoonka.”

Diyaarada ku dhacday garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweye waxaa laga lahaa dalka Kenya, waxayna 14-kii bishan kasoo duushay Jabuuti oo ay sahay uga soo qaaday ciidamada AMISOM ee ka socda dalkaas, waxayna ku bas-beeshay goobtii ay ku dhacday oo gudaha garoonka aheyd.

Duuliyihii iyo laba caawiye ayaa laga soo badbaadiyey, waxaana ku gubtay xamuulkii ay siday, kadib markii la heli waayey gaadiidka gurmadka deg dega ah ee dab-demiska.

Maalin kadib waxaa Beledweyne ka degay mas’uuliyiin ka socday wasaarada duulista hawada Soomaaliya oo baaritaan la xariira shilka u tegay halkaas, waxayna albaabada u laabeen garoonka, illaa hadana ma jirto wax natiijo ah oo kasoo baxay baaritaankooda.