Dhimasho iyo dhaawacyo ka dhashay qarax ka dhacay Buur-hakaba

21

Wararka naga soo gaaraya magaalada Buur-haba ee gobolka Bay waxay sheegayaan in goor dhaw uu ka dhacay qarax geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa geeriyooday, halka ugu yaraan laba kalena ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay suuq lagu iibiyo xoolaha oo ku yaalla degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay.

Qaraxaas waxaa la sheegay in uu ahaa miino lagu aasay gudaha suuqa, waxayna intaas ku darayaan xilliga uu qaraxu dhacay uu suuqu ahaa mid aad u mashquul badan.