Garyaqaan Siciid Cabdi oo loo doortay guddoomiyaha Xuquul-Insaanka Puntland

21

aamulka Puntland ayaa maanta soo doortay guddoomiyaha Xafiiska Xuquuqul-Insaanka ee maamulka Puntland.

Garyaqaan Siciid Cabdi Muumin ayaa ku guuleystay in uu noqdo guddoomiyaha Xafiiska Xuquuqul-Insaanka ee Puntland kadib doorasha maanta dhacday.

Doorashadan maanta ka dhacday xarunta ay ku shiraan Baarlamaanka Puntland ee Garowe ayaa ahayd saddex wareeg, waxaana kula tartamayay guddoomiyaha la doortay wasiirkii hore ee Haweenka maamulka Puntland Maryan Axmed Cali.