Kulan hor dhac ah oo dhex maray madaxda DF iyo D/goboleedyada

25

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug goor dhaw waxaa ku soo gaba-gaboobay kulan si guud u dhex maray madaxda dowladda federaalka, sida Madaxweynaha Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka.

Kulankaas waxaa looga wadahadlay arrimo dhowr ah, waxuuna hordhac u yahay kulan guud oo ay yeelanayaan  madaxdu.

Hoos ka akhriso qoraal ay kulankaas ka soo saartay Villa Somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.

Kulankan ayaa ku saabsanaa sidii loo jaangoyn lahaa qodobbada muhiimka u ah wadatashiga Heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed, hannaanka geeddi socodka siyaasadda doorashooyinka iyo Amniga Qaranka.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan.