Wasaaradda Beeraha Galmudug oo gaadiid kala wareegtay DFS

15

Wasaaradda Beeraha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta waxa ay gaadiid ku wareejisay Wasaaradda Beeraha ee Maamul Goboleedka Galmudug.

Gaadiidkaan ayaa ka kooban 5 gaadhi nooca Soomaalidu ay u taqaano Cabdi Bilaha oo ay saaran yihiin Matoorrada Beeraha .

Wasiirka Wasaaradda Beeraha ee Xukuumadda Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid ayaa ku wareejiyay Wasiirka Beeraha Galmudug Axmed Nuur Xaaji Cismaan.

Gaadiidkaan iyo Matoorrada Beeraha ayaa waxaa loogu talo galay in lagula dagaalmo Ayax ay dhibaatooyin kala kulmaan Beeraleyda deegaannada Galmudug.