Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Axmed Madoobe

42

 Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cadullaahi Farmaajo ayaa waxa uu maanta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug kulan kula yeeshay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe .

Kulanka ayaa waxaa markii hore ku bilowday mid u dhexeeyay madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre, balse uu dib kaga soo biiray madaxweyne Axmed Madoobe.

Kulanka ayaa waxa isku xogwareystay madaxdan iyagoo ka wada hadlay arrimo kala duwan.

Waa markii ugu horeysay oo Axmed Madoobe iyo madaxdweyne Farmaajo ay kulmaan tan iyo markii dib loogu doortay doorashadii ay qaadacday dawlada Soomaaliya, inkasta oo dib ay uga aqoonsatay dawlada Soomaaliya in mudo 2 sano ah ay ugu aqoonsatay madaxweyne kmg ah.