Dhismaha wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye oo dib loo bilaabay

64

Waxaa dib loo bilaabay dhismaha wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Dhismaha wadadan ayaa istaagay kadib markii weeraro qaraxyo ah lala bartilmaameedsaday Ingineero ajaanib ahaa oo waday dhismaha wadadani.

Dabayaaqadii sanadkii hore ayay si toos ah u istaagtay dhismaha wadadani kadib markii qarax xooggan oo waxyeeleeyay dad u badan arday waxbarsho u socday dad kale oo shacab ahaa iyo Ingineero waday dhismaha wadadan.

Dhismaha wadada ayaa waaxaa iska kaashanayay Shirkado laga leeyahay Turkiga iyo Qadar balse cabsi xooggan oo soo wajahday awgeed ay hawshii dhismaha ka wadi waayeen.