Madaxweyne Farmaajo Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Dhuusamareeb

22

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Dhuusamareeb ayaa si diiran halkaasi loogu soo dhaweeyay, waxaana soo dhaweynta Wafdiga ka qeyb qaatay Ra’iisul Wasaaraha Dalka, qaar ka mid ah Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee dowladda, Wasiiro iyo dadweyne aad u fara badan oo sitay boorar ay ku qornaayeen hal ku dhigyo ay ku taageerayaan Madaxweynaha.

Wafdiga Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Galmudug, halkaasi oo la qorsheynayo in uu Madaxweynaha iyo wafdigiisa kula kulmaan qeybaha bulshada iyo maamulka Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo ayaa magaalada Dhuusamareeb kaga qeyb galaya wejiga labaad ee shirka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka, kaas oo diirada lagu saarayo hirgelinta doorasho waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka, kuna dhacda jawi midnimo, wadatashi iyo isqancin.