dhagayso Afgooye oo wajaheysa fatahaadihii u darnaa iyo maamulka degmada oo ka war bixiyey

24

Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose waxay wajaheysaa fatahaadihii ugu darnaa abid, sida uu sheegay maamulka degmada, oo la hadlay KNN.

Inta badan dhaq-dhaqaaqii magaalada waxaa ha-kiyey biyaha wabisha Shabeelle oo saacadihii u dambeeyey aad ugu fatahay magaalada Afgooye.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada degmada Afgooye Cabdullahi Xasan Cabdi oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in magaaladu ay haatan wajaheyso fatahaado culus, isla markaana uu joogsaday dhamaan isu socodkii bulshada.

Sidoo kale guddoomiye Cabdullahi Xasan ayaa dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed ku eedeeyey inay ka gaabiyeen wax ka qabashada xaaladda culus oo ay wajaheyso Afgooye.