R/wasaare ku xigeenka dalka oo Muqdisho ka daah furay imtixaanaadka D/Sare

22

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya maanta waxaa imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ka daah furay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

Imtixaankan ayaa saakay looga fariistay magaalooyinka waa-weyn ee gobollada dalka, markii laga reebo gobollada Puntland iyo Somaliland.

Sida laga soo xigtay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya arday gaareysa 34-kun oo dhameystay fasalka 12-aad ee dugsiyada sare ayaa saakay u fariisaneysa imtixaanka shahaadiga ah ee dowladdu qaadeyso, waxayna ku kala suganyihiin gobolka Banaadir, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hir-Shabeelle iyo Galmudug.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Guuleed oo hadal kooban ka jeediyey furitaankii imtixaanka ayaa sheegay in guul uu u rajeynayo ardayda saakay u fariisatay imtixaanaadka, isaga oo xusay in sanadkan ay adkeeyeen imtixaanka oo uusan bixi doonin.

Ammaanka xarumaha  saakay lagu gelayo imtixaanaadka waxaa sugaya  ciidamo loogu tala galay, kuwaas oo gaaraya 2,000 oo askari, sida ay horay u sheegeen mas’uuliyiinta dowladd federaalka.

Sida ay shaacisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya illaa 112 xarumood oo ku kala yaalla Muqdisho iyo magaalooyinka waa-weyn ee koonfurta iyo bartamaha gobollada dalka ayaa lagu gelayaa imtixaanka maanta.

Waa sanad dugsiyeedkii 6-aad oo si rasmi ah ay imtixaanka u qaadeyso wasaaradda waxbrashada hidaha iyo tacliinta sare ee xukumadda Soomaaliya, waxaana xusid mudan in ardayda wax ku barata deegaanada Puntland ay lixdaas sano ka qeyb gelin imtixaanka ay qaadeysay dowladda dhexe ee dalka.

Todobaadkii tegay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya waxay soo gaba-gabeysay qaadista imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe, kaas oo ay u fariisteen ku dhawaad 40,000 oo arday.