Maxkamadda ciidamada oo xukun adag ku riday nin gaari ku qarxiyey Soobe

24

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta Xudeyfa Daa’uud Yuusuf Ibraahim ka tirsanaa Al-Shabaab ku xukuntay 15-sano oo xabsi ciidan ah.

Xudeyfa Daa’uud ayaa Al-shabaab uga biiray deegaanka  Janaale ee  gobolka Shabeellada Hoose, waxaana 25-kii bishii November ee sanadkii hore lagu qabtay isgoyska Soobe, xilli sida la sheegay uu qarax ku dhejimayey gaari hor yaallay meherad ku taalla halkaas.

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda u sheegay in eedeysanaha lagu soo qabtay isaga oo falka gacanta kula jiray, halka qareenada ay ku doodeen in Xudeyfa loo khafiifiyo, maadama ay tahay shaqadiisii ugu horreysay ee uu ku fashilmay, cidina aysan wax ku noqon marka laga reebo bur-bur hantiyadeed.

Maxkamadda ayaa Xudeyfa Daa’uud Yuusuf ku xukuntay 15-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute u sheegay dhinacyada dacwadda.

Sidoo kale guddoomiya ayaa sheegay in xukunsanuhu uu heysto fursad kale oo uu ku dalban karo racfaan, muddo ku siman 30-cisho.