Nin shan qof oo isku qoys ah hal goob ku dilay oo gacanta lagu dhigay

17

Ciidamada Booliiska Maamulka Galmudug ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ku qabtay nin 5 ruux oo isku qoys ahaa ku dilay duleedka magaalada Muqdisho.

Taliyaha Booliiska qeybta gobolka Mudug G/Dhaxe Qaasim Shirdoon Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay eedeysane Aways Cusmaan Cabdi oo loo heysto dilka 5-qofood ay qabteen, iyadoo uu sheegay in ay la socdeen dhaq-dhaqaaqiisa markii uu soo galay magaaladana ay gacanta ku dhigeen, cadaaladana ay u gudbi doonaan.

Sidoo kale waxaa warbaahinta la hadlay guddoomiyaha gobolka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye, waxuuna bogaadiyey sida ciidamada ammaanka ay gacanta uga geysteen soo qabashada eedeysanaha.

Horraantii bishaan xilli habeen ah ayey ahayd markii eedeysanahan uu weeraray qoys uu gabar ka qabay, waxuuna dilay shan qof, halka afar kale ay dhaawacmeen, dhamaantoodna dadkaasi waxay ahaayeen isku qoys.