Madaxweyne Qoor Qoor oo dib ugu soo laabtay magaalada Dhuusamareeb

16

Madaxweyanaha mamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa goodhaweyd dib ugu soo laabtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Madaxweynaha iyo wafdi uu hor kacayo ayaa waxaa ku soo dhaweeyay magaalada Dhuusamareeb madax uu ka mid yahay madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo golihiisa wasiirrada.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa maalmihii u dambeeyay waxa uu ku sugnaa magaalada Garowe oo uu kaga qayb galay aas qaran oo loo samaynayay Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo Madaxweynihii hore ee Puntland oo labaduba lagu aasay magaalada Garowe.

Madax kale oo ku sugan magaalada Garowe ayaa iyaguna la filayaa in ay ku soo laabtaan magaalada Dhuumareeb si ay uga qayb galaan shirka wadatashiga h wejigiisa 2-aad oo ka dhacaya maalmaha soo aadan magaalada Dhuusamareeb.