Kooxda Real madrid oo ku guuleysatay horyaalka Spain.

15

Real ayaa ku guuleysatay horyaakani iyada oo ciyaar u harsan tahay kaddib markii ay Villarreal kaga soo badisay garoonkeeda Alfredo Di Stefano.

Karim Benzema ayaa laba gool oo midi rikoodhe yahay ku hoggaamiyey kooxdiisa, halka Villarreal ay hal gool keliya dhalisay.

Kooxdan uu hoggaamiyo macallin Zidane ayaa ku guuleysatay dhammaan 10kii kulan ee ay ciyaareen tan iyo markii kubada cagta Spain dib loo bilaabay bishii June.

Waxayna ku aaddan yihiin ciyaartii u danbeysay ee horyaalka xilli iyaga oo toddoba dhibcood oo nadiifa ka horreeya kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona, oo iyadu kaalinta labaad ku jirta.

“Tani wax walba way ka wanaagsan tahay. Waxay nagu qaadatay dedaal badan inaan ku guulaysanno La Liga” ayuu yidhi macallinka Real Madrid.

“Kaddib 38 ciyaarood, waxaannu haysannaa dhibco ka badan qof kasta. Kaddib bandawgii iyo wax kasta oo dhacay. Tani waa arrin farxad leh” ayuu ku sii daray hadalkiisa.