Webiga Shabeelle oo fatahaad ka gaystay Shabeellada Hoose

17

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in qaybo ka mid ah deegaannada iyo tuulooyinka hoos yimaadda gobolkaasi uu fatahaad ka sameeyay webiga Shabeelle.

Meelaha uu webigu ku fatahay ayaa waxaa ka mid ah degmada Afgooye iyo tuulooyin kale oo hoos yimaadda.

Fatahaaddan uu gaystay weboga Shabeelle ayaa waxaa ku burburay in ka badan 1,500 oo guri oo ku yaalla meelaha uu ku fatahay.

Sidoo kale waxaa jira barakac ka dhashay meelaha qaar, waxaana ka mid ah meelaha laga barakacay deeganka Basra, Sabiid, Caanoole,Deg-Wariiri iyo qaar kale.

Inta badan dadka soo barakacay ayaa waxa ay u jihaysteen deegaannada kale isla gobolka Shabeellada Hoose ee uusan saameynta u gaysan webiga.

Magaalada Afgooye ayaa iayaduna waxaa xaafadaheeda galay biyo ka dhashay roobka xilliga xagaaga oo ka da’ay iyo biyihii webiga oo karkaarrada jabsaday markii uu buux dhaafiyay.