Golaha Shacabka oo ka dooday Sharciyo muhim ah

29

Kulankii 16-aad Kalfadhiga 7-aad, ayaa ka socda  Xarunta KMG ah ee Golaha Shacabka iyada oo lagu ansixin doono sharcyo muhim u ah dalka.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey  ayaa ku sheegay xilidhibaanadda soo xaadiray kullanka  142 Xildhibaan.

Guddiga arrimaha gudaha maamulada gobolada iyo amniga ee golaha shacabka ayaa akhrinta labaad mariyay wax ka bedelka sharciga axsaabta. Dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kulanka ka sheegay in marnaba aysan aqbaleyn in dalka ay ka dhacdo doorasho aan aheyn qof iyo Cod.