Hay,adda Alraxma oo Beeraleyda ku khasaarey fatahadii webiga Baardheere u qeybisey matooro iyo Qalabka beeraha(sawirro)

92

Deeqdani oo ah mid beeraleyda baardheere ay soo gaarsiisey hay,adda Alraxma ayaa ka koobneyd ilaa 36 matoor iyo qalabkood,waxaana la siiyey beeraleydii ugu liitay,waxaana ka faa,ideysanaya dhanka kale ilaa 216 qoys oo beeraley ah.

Gargaarkan ayaa waxaa ka qeyb qaatey hayadda (Rahma islamic relief fund Norway)  mas,uuliyiinti ka hadley gargaar qeybinta ayaa waxay u mahad celiyeen Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Norwey, Denmark, USA, Finland, Australia, Kanada iyo xubnaha mu’asasada Alraxmah oo ayagna ka qaybqaatay oo kala jooga caalamka oo dhan.

Dhamaan waxaas oo gargaar ah waxay jaaliyadaha, Xubnaha Alraxmah, hay’adda Alraxmah Islamic reliefe Fund Norwey soo marsiiyeen Mu’asada Alraxmah ee ka shaqeesa horomarka iyo waxbarashada Soomaaliya.