Madaxweyneyaasha M/Goboleedyada Iyo Midowga Musharaxiinta Oo Kulan U Socda

20

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka iyo Midowga Musharaxiinta ayaa haatan waxaa uu kulan Albaabada u xiran yihiin uga socdaa hotel ku dhex yaalla Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka socda ayaa waxaa looga hadlayaa Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin xaaladda siyaasadeed ee dalka, doorashooyinka dhacaya iyo habraacii doorashada Golaha Shacabka oo shalay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Musharaxiinta ay Madaxda maamul Goboleedyada u gudbiyeen cabasho ay ka qabaan habraacii doorashada Golaha Shacabka ee lasoo saaray.

Midowga ayaa diiday habraaca, iyagoona ku tilmaamay inuu khilaafsan yahay dastuurka dalka iyo heshiiskii 27 May oo dhigayay in doorashooyinka ay ku dhacaan si cadaalad oo xor iyo xalaal ah.

Sidoo kale Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa waxaa ay dalbadeen in 135 Odayaasha dhaqanka ay saldhig u noqdaan soo xulista Ergooyinka dooranaya Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka.