Mareykanka Oo Cunoqabateyn Ku Soo Rogay Taliyaha Ciidamada Eritrea Iyo Sababta

0

Mareykanka ayaa sheegay in uu cunoqabatayn ku soo rogay taliye sare oo ka tirsan ciidamada Eritrea oo lagu eedeeyey “gabood fallo ba’an oo xuquuqda aadanaha ah” oo dhacay inta ay socotay colaadda ka oogan Tigray

Wasaaradda maaliyadda ayaa ku eedaysay ciidamada hoos taga taliyaha guud ee ciidadama dalka Eritrea, Jeneraal Filipos Woldeyohannes, in ay faleen xasuuq, fadhataysi iyo kufsi.

Cunoqabataynaas wax aka mid ah in la xayiro dhamaan hantida u leeyahay Jen Woldeyohannes iyo sidoo kale in Maraykanka laga mamnuuco shirkadaha xidhiidhka ganacsi la leh.

Warbixin uu soo saaray agaasimaha xafiiska dabogalka hantida shisheeyaha ayaa Eritrea ugu baaqday in ay ciidamadeda kala baxdo Itoobiya waxaanay ku booriday dhinacyada colaadaas ku lugta leh in ay bilaabaan wadahadallo nabadeed