Xiliga uu furmayo shirka golaha wadatashiga qaranka oo la shaaciyay

6

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maanta la filayay in uu furmo balse dibu dhac uu ku yimid ayaa la shaaciyay in uu si rasmi ah uga furmi doono teendhada Afisyoone maalinta Sabtida 21-ka Agoosto, 2021.

Kulanka oo uu shir guddoomin doono R’iisul Wasaare Rooble waxa lagaga hadli doonaa diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka, raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka iyo sidii horey loogu socon lahaa.

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa weli ka maqan muqdisho, kuwaas oo la filayo in ay soo gaaraan maalinta beri ah.