Ciidamada Soomaliland oo xiray Cabdimaalik Coldoon.

6

Ciidamada booliska Somaliland ayaa galabta xiray Cabdimaalik Shiikh Muuse Coldoon oo ah saxafi iyo samafale caan ah.

Wariye Coldoon ayaa la sheegay in uu ku sugnaa goobtiisa shaqada, kadibna halkaas ay ugu yimaadeen ciidamada booliska ee Somaliland.

Cabdimaalik Coldoon ayaa muddooyinkii dambe ka hadlayay wararka ku saabsan xarunta dhaqanka magaalada Hargeysa oo uu sheegay in ay tahay xarun faafinaysa falal anshax xumo ah oo ka soo horjeeda diinta Islaamka.