Guddoomiye Cirro oo ka digay in maamul goboleedyada ay soo farageliyaan doorashada golaha shacabka

5

Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer Federaal Maxamed Xasan Cirro’ oo ka hadlay sida ay u socdaan doorashada aqalka sare ee BFS ayaa sheegay in marnaba guddigooda aysan aqbali doonin in
sidii Doorashadii Aqalka sare oo kale Maamul Goboleedyada gacanta loo galiyo Doorashada Golaha Shacabka.

Guddoomiye cirro ayaa sheegay in haatan maamul goboleedyada ay doonayaan in ay soo farageliyaan doorashada xildhibaanada golaha shacabka, balse waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in arrintaasi loo madax banaaneeyo odayaasha dhaqanka, si ay iyagu u soo xulaan ergooyinka dooranaya xildhibaanada, isagoona ka digay arrintaasi.

” Ma aqbali karno in sidii Doorashadii Aqalka sare oo kale Maamul Goboleedyada gacanta loo galiyo Doorashada Golaha Shacabka.”ayuu yiri guddoomiye Cirro

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in la ilaaliyo nidaamka doorashooyinka, islamarkaana tartan doorasho la galo, isagoona sheegay in haddii aysan taasi dhicin khatar weyn uu geli karo dalka.