DFS oo sheegtay in xubno ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Baay

5

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 60aad ayaa howlgallo qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen degaanka Goofgaduud Shabeeleey oo katirsan gobolka Baay.

Saraakiisha howlgalka hoggamineysay ayaa waxaa ay sheegeen inay bartilmaameedsadeen goob ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana ay weerarada kasoo abaabuli jireen.

Taliyaha Qeybta 60-aad  Jeneraal Maxamed Shiikh Cabdulaahi (Ciiroow) ayaa sheegay in ay howlgalka uga saareen Al-Shabaab degaanka Goofgaduud Shabeeleey oo katirsan gobolka Baay, isla markaana ay ka dileen 9 dagaalame.

Taliyaha ayaa intaasi kudaray in laburburiyay saldhigyadii Al-Shabaab ku lahaayeen degaankaasi, sidoo kale weli ay howlgalka sii wadaan ilaa Al-Shabaab ay ka saarayaan degaannada ka tirsan Gobolka Baay.