Waa Sidee Xaalada Waxbarasho ee Dugsiyada Waxbarashada ay Maamusho Hay’adda HIRDA ee Baardheere(Dhageyso+Sawirro)

57

Sanadahii la soo dhaafey Isbedel xaga Horomarka waxbarashada ayaa laga dareemayaa Dugsiyada Waxbarashada ee ay Maamusho Ururka Samafalka HIRDA oo markii ugu horeysay Sanadkii 1998 waxbarasho ka taabo gelisey degmada Baardheere,tan iyo xilligaasina kumanaan Ardey ah ayaa ka qaliin jibiyey Waxbarashada Dugsiyadaasi,kuwaasi oo Qaarkood dalka dibadiisa iyo Gudaha dalka ku kala firaarsan,halka kuwa kalena ay dhigtaan Jaamacado.

Waxbarashada ka socota Dugsiyadaasi ayaa gaarsiisan ilaa heer Dugsi sare ah waxaana ka furan Dugsiyada BPS,Jaalle Siyaad,Dr Qaasim iyo Sayid Warsame Secondary School,waxaana xilligan waxka barta Dugsiyadaasi Ardey tiradoodu ay gaareyso ilaa 780 oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho.

Aweys Aden Xaaji waa Madaxa Waxbarashada Dugsiyada HIRDA ee Baardheere mar aan maanta kula kulmay Xafiiskiisa ayaa waxaa uu ii sheegay in heer wanaagsan ay ka gaareen adeegyada Waxbarashada Iskuulada iyo Tayada Waxbarashada ,taasi oo suurta gelisey in korodho Tirada Ardeyda waxbarashada Jecel.

Hadaba su’aasha ugu horeysa ee uu weydiiyey Wariyaheena Axmed Cumar Saalixi Madaxa Waxbarashada Dugsiyada HIRDA ee Baardheere Aweys Shukane ayaa ahayd waxaad ka warantaa Xaalada Waxbarasho ee Dugsiyada xilligan sida ay yahiin?

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA MADAXA WAXBARASHADA HIRDA AWEYS SHUKANE