Guddiga Doorashada Aqalka Sare Ee Galmudug Oo Caawa Guddoon Doortay

15

Guddiga qabashada doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Caawa kulankii ugu horreeyay ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas.

Guddiga oo ka kooban 12-xubnood oo galabta uu magacaabay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa durbo doortay Guddoon iyo Xoghaye

Guddiga ayaa Guddoomiye u doortay Xildhibaan Cabduwahaab Maxamed Axmed halka ku-xigeenkiisa loo doortay Xildhibaan Cabdirixiin Axmed Cigaal, waxaana sidoo kale Xoghayaha Guddiga loo doortay Xildhibaan Yaasiin Maxamed Cabdiraxman.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa  Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal, isagoo u mahadceliyay Guddiga doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Guddigaan ayaa ka shaqey doona qabashada doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee laga soo dooranayo deegaanada Galmudug, iyagoona kulan la qaadan doona Madaxweynaha Maamulka Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.