Shir looga hadlay doorashada xubnaha Aqalka sare ku matalaya Galmudug

13

Gudiga Doorashooyinka Aqalka sare ee Baarlamaanka Galmudug iyo Xubnaha Guddiga maamulka doorashada heer DG ee Galmudug ayaa maanta yeeshay kulan isbarasho ah.

Kulanka ayaa diiradda waxaa lagu saaray sidii loo dadajin lahaa Doorashada Xildhibaanada aqalka ee dhawaan ka dhacaysa caasimadda maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa la filayaa in uu soo gudbiyo liiska musharixiinta aqalka sare ee ku matalaya maamulkaas.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sii qulqulaya musharixiin dooneysa in ay ku soo baxaan liiska xildhibaanada Aqalka sare ku mataleysa Galmudug, kaasi oo la filayo in uu dhowaan soo saaro madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoo