Wararka ka imaanaya degmada Doolow ayaa sheegaya in iska horimaad ay degmadaasi ku dhex-martay Ciidamada Nabadsugida degmada iyo qaar kamid ah Ciidamada dowladda Soomaliya ay geysay degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Dadka deegaanka ayaa KNN u sheegay dagaalka uu ku dhaawacmay Taliyaha Ciidanka Nabad sugida Doolow Xasan Cibaad iyo hal askari oo ka tirsan ilaaladiisa.
Ilaa iyo hada lama oga sababta ka dambeysa dagaalka u dhexeeyay labada ciidan.
Wararka ayaa sheegaya in xaalada ay haatan tahay mid degan.











