Guddiga doorashooyinka oo guddoomiye Kumeel gaar ah doortay

5

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal ayaa waxaa ayaa maanta Muuse Geelle Yuusuf, u doortay gudoomiyaha kumeel gaarka ah ee guddiga.

Guddoomiyaha cusub ee ku meel gaarka ah ayaa hawshiisu tahay qaban qaabada iyo qabashada doorashada guddoonka guddiga Qaran ee hagaya doorashada.

Sidoo kale guddoomiyaha, ayaa dhisay guddi ka kooban shan(5) xubnood oo qabanaya doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka oo dhici doonta maalinta Axadda ee ku beegan 4-July-2021.

Guddoomiyihii hore, Maxamed Xasan Cirro ayaa si rasmiya madasha shirka isaga casilay xilkii hore, isagoona ku wareejiyey gudoomiyaha ku meel gaarka ah ee cusub.