Q.M, Masar, Sacuudiga, Imaaraadka oo ka wadahadlay doorashooyinka Soomaaliya

4

Ergeyga qaramada midoobey ee u qaabilsan arrimaha  Soomaaliya James Swan ayaa kulamo la qaatay madax ka tirsan dalka Sacuudiga, Masar, Imaaraadka, kadib booqasho uu ku tagay dalalkaasi.

Swan ayaa tagay magoolooyinka Riyaad, Dubai  iyo Qaahiram waxaa uuna halkaasi shir gaar gaar ah uu kula yeeshay xubno heer wasiiro ah oo ka socday dalalkaasi.

Kulamada ayaa waxaa looga hadlay arrimaha amniga, doorashooyinka,iyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab, maadaama Soomaaliya ay ku jirto xilii doorasho ah

Dhinacyada ayaa ammaanay qaabka ay socoto qaban qaabada arrimaha doorashada iyo jadwalka ay soo saareen madaxda Soomaalida, ee dhawaan shirka ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa waxaa u horey kulamo ula qaatay masuuliyiin ka tirsan  wadamada Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya oo uu kala hadlay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Doorashada Soomaaliya  oo dhowr goor oo horey uu dib u dhac ku yimid, ayaa waxaa hadda la qorsheeyey in ugu dambeyn lasoo geba-gebeeyo 10-ka October, markaasi oo ah xilliga la dooranayo madaxweynaha, inkasta oo shaki badan uu ku jiro in jadwalka cusub uu hirgeli karo, dib u dhac la’aan.