Al-Shabaab oo saddex ruux ku dilay Dhoobley

6

Saddex qof oo Kenyan ah ayaa la dilay midna waa la dhaawacay khamiistii, ka dib markii rag hubeysan ay weerareen xili ay wadeen dhismaha goob ku taalla magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Booliska Kenya ayaa sheegay in shaqaalaha ay  wadeen howlo dhismo markii ay weerareen rag ka tirsan Al-Shabaab.

“Sideedii shaqaale ee caadiga ahaa, saddex ayaa naftooda ku waayey. Mid ka mid ah ayaa dhaawacmay oo hadda ku jira cisbitaalka Dhoobley halkaas oo lagu daweynayo laguna dejinayo,” ayay booliisku ku sheegeen warbixintooda.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilkaasi, waxaana ay shaacisay in dagaayahano ka tirsan kuweeda ay fuliyeen toogashadaasi.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen ay dileen afar ruux oo ka tirsan sirdoonka Kenya.

Inta badan dagaalyahanada  Al-Shabaab ayaa weeraro gaadmo ka fuliya deegaano ku yaalla xadka ay wadaagaan dalal Soomaaliya & Kenya.