Maamulka K/galbeed oo ka digtay in si qasab ah loo barakiciyo dadka barakacayaasha ah.

17

Guddoomiyaha magaalada Baydhabo Xasan Macalin Axmed Biikole, oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu si kulul ugu hadlay dadka barakacayaasha ee sida qasabka ah looga kicinayo guryahooda.

Mr Biikole ayaa ka digay in ciddii lagu arko iyadoo si qasab ah guryhadooda ugu barakicinaysa dadka barakacayaasha ah ee ku nool magaalada Baydhabo tilaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dib u dejin ay u sameyn doonaan dadka barakacayaasha ah ee soo gaaraya magaalada Baydhabo, iyo kuwii sida qasab ah looga saaray guryahooda.

Hadalka Guddoomiyaha ayaa imaanaya xili barakacayaal hor leh maalmihii la soo dhaafay ay soo gaareen magaalada Baydhabo, kuwaasi oo ay soo barakiciyeen dagaalamayaasha Al-shabaab, iyadoona haatan xaalad adag oo dhanka nolashada ay ku haysto gudaha magaalada Baydhabo.