AL-shabaab oo toogasho ku fuliyey dad ay ku eedeeyeen iney la shaqeynaayeen Sirdoonka Maraykanka

10

Dagaalameyaasha Al-shabaab ayaa sheegtay, in degmada Saakow ee Gobolka Jubada dhexe ay ku toogteen lix ruux oo ku eedaysnaa basaasnimo sida ay sheegeen.

War ka soo baxay Al-shabaab, ayaa lagu sheegay in lixdaas ruux dhammaantood ahaayeen jawaasiis u shaqeeya hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da.

Sida laga soo xigtay Al-shabaab, dadka la toogtay waa shan nin iyo qof dumar ah oo dhammaantood bixiyay macluumaad sirdoon oo ku saabsan dagaalamayaasha Al-shabaab.

dadkaas ay dagaalamayaaasha AL-shabaab dilka ku fuliyeen ayaa waxa ay kala yihiin Cumar Cabdulqaadir Hiiraale, Cabdi Xasan Axmed, Ibraahim Cumar Cali, Sadaam Cusmaan Maxamed, Aweys Xasan Xaaji iyo Fartuun Cumar Abkow.

AL-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore waxa ay toogasho ku fuliyeen dad ay sheegeen iney bixiyeen macluumaad ku saabsan AL-shabaab.