Qaxooti ka soo cararay oo colaada ka taagan Yemen oo gaaray Boosaaso

9

Waxaa Magaalada Boosaaso, gaaray Qaxooti Yemeniyiin ah, oo ay weheliyaan dad Soomaaliyeed oo dalka dib ugu soo laabtay, kuwaas oo ka soo cararay colaadda ka taagan waddanka Yemen.

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Puntland, ayaa lagu sheegay in dekedda Boosaaso ay xalay soo gaareen, dadkan oo ka kooban Qaxooti Yemeniyiin ah iyo dad Soomaaliyeed oo dalka dib ugu soo noqday.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ,ayaa dekedda ku soo dhoweeyay dadkan oo gaaraya 80 Qoys, kuwaas oo u badan Carruur iyo Haween, waxaana loo gudbiyay Xarunta qaabiladda Qaxootiga ee Boosaaso.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Boosaaso ku soo qul-qulayay Qaxooti Yemeniyiin ah  iyo dad Soomaaliyeed oo ka soo cararay colaadda ka jirta dalkaasi Yemen.