Ciidamada xoogga dalka oo sheegay in howlgal ay ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab

14

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ku dilay deegaanka Orshe oo dhanka bari 50km ka xiga Magaalada Dhusamareb.

Ciidamada xoogga dalka ayaana dagaalamayaasha Al-shabaab kala wareegay deegaankaas gacan ku hayntiisa islamarkaana Al-shabaab laga furtay sida ay sheegeen saraakiisha hogaamineysay howlgalkan hubkii iyo saanad.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in Al-shabaab ay dadka halkaas ku dhibaateyn jareen islamarkaana ay shacabka ka qaadi jareen lacago iyo xoolo.

Ciidamada xoogga dalka saraakiisha hogaamineysay ayaa sheegay in howlgaladan ay qeyb ka yihiin kuwa Al-shabaab looga saarayo deegaanada ay ka joogaan gobolka Galgaduud.