Mid ka mid ah gabdhihii Nairobi lagu “afduubtay” oo la helay

2

Waxaa lagu soo warramayaa in ugu dambeyn la helay mid ka mid ah gabdhihii la sheegay in lagu “afduubtay” magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.

Xafsa Maxamad Luqmaan oo ganacsato ahayd isla markaana toddobaadkan dhexdiisa la waayay, isla markaana baraha bulshada la iskula wadaagayay sawirradeeda oo dhaawacyo wejiga ah ay ka muuqdaan ayaa la hela.

Waaxda dembi baarista Kenya ayaa sheegay in Xafsa oo 23 jir ah laga helay xaafadda Kayole.

Sawirka Xafsa ayaa waxaa ka muuqda dhaawac kaga yaal wejiga.

Weli wax war ah lagama hayo Xafsa Cabdi oo iyadana la sheegay in lagu “afduubtay” Nairobi.