Wasaradda Waxbarashada oo qalab ku wareejisay Wasaaradda Warfaafinta

30

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa ku wareejiyay Wasaaradda Warfaafinta qalab loogu talagalay baahinta barnamijka fogaan darsi kaasi oo Wasaaradda Waxbarashada dhowaan hirgelisay agabyada lagu wareejiyay Wasaaradda Warfaafinta ayaa u fududeyn doona SNTV2, Raadiyo Muqdisho baahinta casharada fogaan darsiga in ay gaarsiiyaan Gobolada Dalka iyo Dunida inteeda kale si maqal iyo muuqaal ah waxaana ay ka koob naayeen kumbuyuutaro, miksaro iyo qalab kale oo muhiim ah .

Barnaamjika fogaan darsiga ayaa ah barnaamij ay ku jiraan Casharada Fasalka 1aad ilaa Fasalka 8aad ee dugsiga Hoose, Dhexe kana kooban 2030 cashar oo maqal iyo muuqal ah waxaa uuna fursad u siinaya ardayda Somaliyeed in ay guryahooda wax ku bartaan haddii iskuuladu Xirmaan ama musiibooyin ay dhacan Alle hanaga hayee.

sidoo kale barnaamijkaan ayaa ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah laga hirgeliyo Wadamada Bariga Afrika, waxaana ka faa’iideysan doona bulshada Somaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan.

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku bixineysa dadaalo xoog leh sidii u badka Somaliyeed ay u heli lahaayeen Waxbarashada aas-aasiga ah iyo tan sare xaalad kasta oo uu Dalku ku jiro.