Xukuumadda Xilgaarsiinta Oo Shaacisay Xiliga Lasoo Xirayo Shirka Doorashada

26

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee arrimaha Doorashooyinka oo uu shir guddoominayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa galay maalintiisi afraad, waxaana laga gaaray natiijo wanaagsan, iyadoo lagu wado in shirka la soo xiro maalinta Khamiista ah ee soo aadan.

Shirka Wadatashiga oo sabtida todobaadkaan ka furmay Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horumarro laga sameeyay qodobbadii laga wadahadlayay ee khuseeyay doorashooyinka dalka.

Afhayeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Ibraahim Macallimuu oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey shirka wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka oo galay maalintii afraad.

Waxaa uu sheegay in madaxda dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiya gobolka Banaadir ay muujiyeen biseyl sida ay u doonayaan in heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka, isagoona xusay in heer gabogabo ah marayaan dhameystirka qodobada ka soo bixi doona heshiiska la filaayo shirka laga gaaro.

“Ra’iisul Wasaaraha oo had iyo jeer xudun u ahaa wadahadaladana waxaa uu ahaa qofka habeen iyo maalin ka shaqaynayey in shirku uu guuleysto” ayuu yiri Af-hayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda dowlad Goboleedyada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug iyo Guddoomiyaha Gopbolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.