Golaha ammaanka Q.M oo shir deg deg ah ka yeelanaya doorashooyinka Soomaaliya

15

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, ayaa maanta oo Talaado ah shir ka yeelan doona arrimaha Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM, ayaa lagu sheegay in Goluhu maanta shir ka yeelanayo xaaladda Soomaaliya, gaar ahaanna doorashooyinka dalka.

Shirka Golaha Ammaanka waxa si gaar ah diiradda loogu saari doonaa xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, oo ay ku jirto doorashada iyo sidoo kale arrimaha banii’aadannimada.

Shirka waxa warbixinno kooban siin doona Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsa Soomaaliya, James Swan, iyo Madaxa AMISOM, Francisco Madeira.