Shirka madaxda Soomaalida oo soo idlaaday maalintii labaad

7

Waxaa maalintii labaad Teendhada Afisyooni ku soo idlaaday shirka wadatashiga Qaranka, kaasi oo u dhexeeyay R/wasaare Rooble, madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirka ayaa maanta waxaa diirada lagu saaray dhammaystirka heshiiskii arrimaha doorashooyinka ee 17-kii September, si loo xalliyo tabashooyin ka soo noqday hirgelinta heshiiskaas, islamarkaana doorashooyinka loo qabto.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalintii labaad shir guddoomiyay shirka.

Madaxweynaha Galmudig Axmed Cabdi Kaariye oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay shirka, isagoona sheegay in dhawaan uu guul ku soo dhammaan doono Shirka

“Waxaa maalinkii labaad ka qeybgalay Shirka Wadatashiga qaran ee arrimaha Doorashooyinka oo Muqdishu ka socda.Waxaan rajeynayaa in uu dhawaan si guul ah noogu soo dhamaado”ayuu yiri madaxweyne Qoor Qoor