Xukuumadda Soomaaliya oo ka warbixisay halka uu marayo shirka ay maanta yeesheen madaxda Soomaalida

1

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay Shirka Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka oo galay maalintiisii labaad.

Madaxda ayaa bilaabay ka doodista qodobbada turxaan bixinta u baahan ee arrimaha doorashooyinka, waxaana laga sameeyay horumar wanaagsan. Iyadoo ay sii socon doonto maalinta beri ah falanqeynta ajandayaasha horyaala shirka.

Shirka oo ka qeyb galeen Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali-Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed ayaa ku soo dhamaaday rajo iyo ididiilo wanaagsan

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa warbaahinta u sheegay in isfaham weyn ay wada gaareen madaxda Soomaalida, islamarkaana shirka uu socon doono ilaa iyo beri.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in marka uu soo dhammaado shirka ay si wadajir ah warmurtiyeed u soo saari doonaan madaxda Soomaalida.

Beri ayaa la filayaa in markale ay is arkaan madaxda Soomaaliya, iyadoona lagu wado in beri gelinka dambe la soo gabagabeeyo shirka, iyadoona hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay warmurtiyeedka ka soo saari doonaan shirka.