Booliska Wanla-weyn oo sheegay in la kala qaaday ciidamadii shalay ku dagaalamay degmadaasi.

6

Taliyaha saldhiga booliska degmada Wanla-weyn ee gobolka shabeellada ayaa sheegay in ay kala qaadeen  ciidankii shalay ku dagaalamay degmadaasi

Sidoo kale Taliyaha  ayaa sheegay in ay kala qaadeen maleeshiyaadkaasi, ka dib dadaalo xoogan oo ay sameeyeen ka maamul ahaan.

Dagaalka shalay ayaa waxaa uu u dhexeeyay guddoomiyaha degmada Wanla-weyn iyo ku xigeenka arimaha bulshada degmadaasi.

Taliyaha ayaa sheegay in marnaba aan la aqbali doonin in dagaalka uu ka dhaco gudaha degmada Wanla-weyn ee gobolka shabeellada hoose, islamarkaana ay tilaabo cad ah ka qaadi doono cidii ku dagaalanta degmada.