Lafta gareen iyo Shiikh Shariif oo kulmay.

11

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-gareen ayaa Hoyga uu ka degenyahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Madaxweynihii Hore Dalkaย ย Shekh Shariif Shekh Axmed.

Kulanka sido kale waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliyo iyo Xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada Dowlad goboleedka K/galbeed.

Kulankan ay yeesheen Madaxweyne Lafta-Gareen iyo Shiikh Shariif ayaa kusoo beegmaya xili la filaayo in maalinta berri ah uu Muqdisho ka furmo shirka u dhaxeeya madaxda DF iyo dowlad goboleedyada dalka.

Magalada Muqdisho ayaa hada waxaa ku sugan madaxweynayaasha Galmudug, Jubbaland, Puntland iyo K/Galbeed iyadoo la sugaayo Muqdisho inuu isna soo gaaro madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.