Dagaal Markale ka qarxay Galbeedka Magaalada Beledweyne

6

Warar naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in markale uu dagaal ka qarxay galbeedka  magaalada Beledweyne ee gobolkaasi.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya  laba maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada dega, waxaana la soo sheegayaa inuu jiro khasaare  ka dhashay dagaalka haatan socda.

Goobjoogeyaal ayaa idaacadda Kulmiye u sheegay in dagaalka xoogeysa uu ka socda deegaanka Baladul Nuur ee galbeedka Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Dagaal ayaa salka ku haya dhul beereed, waxuuna dhex marayaa maleeshiiyaad ka soo kala jeeda beelo dega galbeedka magaalada Beledweyne,  iyadoona la soo werinayo in dagaalka uu ku faafay xaafado ka mid ah deegaanka Baladul Nuur ee gobolka Hiiraan.

Ma jiran weli wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee dowladda Soomaalya iyo maamulka Hirshabelle