Musharixiinta mucaaradka oo war ka soo saaray shirka beri ka furmaya Muqdisho

9

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay ka hadleen Shirka beri ka furmaya magaalada Muqdisho, kaasi oo isku arki doonaan Madaxda dowladda , maamul Goboleedyada iyo gobolka Banaadir

Daahir Maxamuud Geelle oo ah Afhayeenka Midowga Musharaxiinta oo weriyaasha kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Shirka Madaxda uu saldhig u noqon doono heshiiskii 17-kii Sep, sidoo kalena looga wada hadli doono xalinta ismari waagga ka taagan qabsoomida doorashooyinka Soomaaliya

Afhayeenka ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in shirka ay ka soo qeyb geli doonaan Madaxda dowlad Goboleedyada, isagoona sheegay in ay muhiim tahay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu hoggaamiyo shirka beri ka furmaya magaalada Muqdisho.

Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in musharixiinta ay doonayaan in ay ka qeyb galaan Shirka beri, iyagoona si rasmi ah u sheegay in taageersan yihiin qaban qaabada uu wado R/wasaare Rooble.

Ugu dambeyn afhayeenka ayaa sheegay in musharixiinta rajo wanaagsan ay ka qabaan inuu natiijo wanaagsan ka baxo shirka beri ka furmaya magaalada Muqdishi

Maalinta beri ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho uu ka qabsoomo shir uu dhawaan iclaamiyay R/wasaare Rooble, kaasi oo looga hadli doono xalinta muranka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya