RW Rooble oo shir isugu yeeray madaxda D/gobolleedyada iyo G.Banaadir

7

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Madaxda Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ku casuumay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhammeystirka Arrimaha doorashooyinka .

Shirkaan ayaa lagu wadaa in uu 20-ka bishaan ka dhaco magaalada Muqdisho, sida uu shaaciyay afhayeenka xukumadda Soomaaliya Maxamed Macalimuu.

Maalintii sabtida ayay aheyd markii madaxweyne Farmaajo uu raโ€™iisul wasaare Rooble ku wareejiyay amniga doorashada muranka badan hareeyay.