Guddoomiye Mursal oo la kulmay wafdi ka socda Qatar

4

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday dowladda Qatar.

Wafdiga waxaa hogaaminaayay Ergeyga gaarka ah ee dowladda Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani.

Guddoomiyaha iyo Ergeyga ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka iyo xoojinta xiriirka labada dowladood.

Sidoo kale waxay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka si gaar ah go’aankii ay shalay Golaha Shacabka ku ansixiyeen codsiga madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in dib loogu noqdo heshiiskii 17-September 2020.

Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Ergeyga dowladda Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani kaga mahad celiyay booqasho sharafeedka uu ugu yimid.